Sawirro: Gudddoomiyaha BF oo kulan deg-deg ah la yeeshay saraakiisha ATMIS
MUQDISHO (SMN) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa kulan deg deg la yeeshay saraakiisha sar sare ee howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi...
Faah faahino kasoo baxaya qarax lala eegtay taliye Farxaan Qaroole
MUQDISHO (SMN) - Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo goordhow duleedka Muqdisho lagula beegsaday taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).
Qaraxa ayaa kolonyo galbineysay taliyaha lagula eegtay, halka loo yaqaano Shabelle oo ku taalla wadada aada dhanka Afgooye.
Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada Farxaan Qaroole ayaa...
Guddiga doorashada madaxweynaha oo soo saaray fariin ku socota musharixiinta
MUQDISHO (SMN) - Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa war cusub kasoo saaray howlaha dhammeystirka doorashada, gaar ahaan mida madaxweynaha.
Guddiga ayaa farriin culus u diray musharixiinta tartameysa, isaga oo ka codsaday in musharax kasta uu soo gudbiyo barnaamijkiisa doorashada oo qoraal ah, isla-markaana daabacan.
Halkan hoose ka aqriso:-
WARGELIN
Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS wuxuu ku
wargalinayaa Musharraxiinta Xilka Madaxwaynaha JFS uu...
Farmajo received his certificate of candidacy for the presidency
MOGADISHU - The President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo received his certificate of candidacy for the presidency on Monday.
Farmajo went to the Upper House headquarters, where members of the Joint Presidential Election Commission were issuing the candidatures certificates to the candidates.
"I have officially received the certificate of candidacy of the President of the Federal Republic of Somalia from...
USAID announces $6.8 million to boost rural education in Somalia
The U.S. Embassy, through the U.S. Agency for International Development (USAID), is proud to announce the Stabilization through Education Program (STEP) to increase access to education in communities affected by conflict.
STEP is a $6.8 million initiative that will be implemented through the International Organization for Migration (IOM). Over the next 18 months, IOM will work with communities to rehabilitate...
Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo qaatay shahaadada musharaxnimada
MUQDISHO (SMN) - Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta is-diiwaangeliyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee xilka madaxweynaha.
Farmaajo ayaa tegay xarunta Aqalka Sare, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, waxaana la guddoonsiiyey shahaadada.
"Waxaan Guddiga Isku-dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha si rasmi ah uga guddoomay, shahaadada musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha...
Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha iyo is-diiwaangelinta
MUQDISHO (SMN) - In ka badan 25 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.
Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif...
Cabdi Xaashi oo la kulmay safiirada Ururka Midowga Yurub iyo Talyaaniga
MUQDISHO (SMN) - Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirada u kala jooga Midowga Yurub iyo Talyaaniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Alberto Vecchi
Guddoomiyaha iyo Safiirada ayaa kawada hadlay dhammaystirka howlaha Doorashooyinka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10aad ee JFS ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilani iyo nabad ah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi...
Somaliland oio xukun adag ku riday sarkaalkii dilay Najmo Cabdullahi
HARGEYSA (SMN) - Maxkamadda ciidamada ee Somaliland ayaa xukun dil ah ku riday sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo loo haystay inuu toogasho ku dilay gabar da' yar oo aroosad ahayd.
Saalax Bullaale Jaamac ayaa lagu riday xukun dil ah, kadib markii uu qirtay dilka Najmo Cabdillahi Maykal oo saddexdii bishaan uu ku toogtay bartamaha magaalada Hargeysa,
Marxuumadda ayaa...
Dowladda Kenya oo heegan buuxa gelisay ciidamadeeda + sababta
NAIROBI (SMN) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay heegan buuxa la geliyey ciidamada ammaanka ee dalkaasi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro uga yimaada Al-Shabaab, kadib weerarkii cuslaa ee lagu qaaday ciidamada Burundi ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee...











