Banaadir police chief warns opposition against actions threatening Mogadishu security
MOGADISHU, Somalia — The police chief of Somalia’s Banaadir region issued a stern warning to opposition leaders, saying security forces were closely monitoring activities deemed capable of destabilizing the capital, Mogadishu.
Banaadir regional police commander Moalim Mahdi said authorities were aware of individuals and armed groups allegedly linked to some opposition politicians, according to remarks delivered during a security briefing...
Ku Dhawaad 2 Milyan oo Muslimiin ah Oo La Filayo In Ay Gudtaan acmaasha Xajka 2026-ka
Maka — Ku dhawaad 2 milyan oo Muslimiin ah ayaa la filayaa in ay sanadkan 2026-ka gutaan waajibaadka accmaasha Xajka, iyadoo Dowladda Sacuudi Carabiya ay diiwaangelisay koror ku yimid tirada xujeyda imanaysa, isla markaana ay xoojisay diyaar-garowga adeegyada Xajka.
Xajka oo ah safar diini ah oo sanadle ah ayaa Muslimiinta adduunka oo dhan ka yimaadaan magaalada barakeysan ee Maka, si...
Ciidamada Dawladda Sudan Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaallo Ka Dhacay Agagaarka Xadka Itoobiya
Sudan, Al Baraka — Ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan ayaa ku dhowaaqay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Al Baraka oo dhaca duleedka magaalada Al Kurmuk ee gobolka Blue Nile (Niilka Buluuga ah), kaas oo u dhow xadka uu dalkaasi uu la leeyahay Itoobiya.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Sudan ayaa lagu sheegay in...
Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Ka Jawaabay Eedeymihii Mucaaradka Ee Hay’adaha Amniga
Muqdisho — Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii dhawaan mucaaradka ay ku dhaliileen hay’adaha amniga dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan aqbali doonin cid kasta oo ku howlan, sida uu sheegay, suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda Muqdisho.
“Suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda...
Dufcadda 12-aad Ee Kumaandooska Danab Oo Tababar Looga Furay Bali-doogle
Bali-doogle, Soomaaliya — Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo dugsiga tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Taliska Tababarrada iyo Doktariinka CXDS Janaraal Axmed Ciise Axmed, Taliyaha...
Banaanbax Lagu Taageerayo Dowladda Oo Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho — Qaar kamid ah dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa caawa banaanbax nabadeed ku qabtay fagaaraha Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo ay ugu magac dareen Codka Caasimadda, iyagoo muujinayay taageerada ay u hayaan dowladda, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dhallinyarada kasoo qeyb galay isu soo baxa ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay astaanta nabadda iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana...
Taliska Booliiska Gobolka Banaadir Oo Digniin Adag Udiray Mucaaradka
Muqdisho — Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, isagoo digniin culus udiray hoggaanka mucaaradka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga, isaga oo xusay in la ogyahay shaqsiyaadka iyo maleeshiyaadka lala xiriirinayo sida uu sheegay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay...
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay Hay’adaha Garsoorka
Muqdisho - Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (GMXIQ), Dr Maryam Qasim, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha Guddiga iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan wadajir ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud si ay uga wada hadlaan iskaashiga ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, adkaynta ku dhaqanka sharciga, iyo xoojinta garsoor hufan oo wax-ku-ool...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed
Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay xubno ka socday bulshada rayidka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka qof iyo codka ah.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo...
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Danjiraha Shiinaha
Muqdisho - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Danjiraha dalkaas u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga...











