Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay guddiyada qaabilsan doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo kan xallinta khilaafaadka, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan dardar-gelinta doorashooyinka. Rooble ayaa sidoo kale sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan. Qoraal ka soo baxay xafiiska...

MW Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga maanta ka guddoomay safiiro cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio. Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo...

Golaha abwaanada oo soo dhaweeyey go’aankii ka soo baxay RW Rooble

Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa'id u qabtay wariyeyaasha ka howl-gala magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey amarkii ka soo baxay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee lagu joojiyey kiraynta qeyb ka mid ah dhismaha Tiyaatarka Qaranka. Ugu horreyn abwaanada ayaa uga mahad-celiyey ra'iisul wasaaraha sida deg-degga leh ee uu uga jawaabay cabashadooda la xiriirta arrimaha Tiyaartarka Qaranka Soomaaliyeed oo la sheegay...

Milkiilaha xarunta Bushimaha lagu wayneeyo oo war cusub soo saaray

Milkiilaha xarunta Obesity Centre ee lagu wayneeyo Bushimaha & qeybaha kale jirka, sida Barida  Dr. Kamaaludiin Cabdicasiis ayaa shaaciyey in si KMG ah loo xiray xaruntiisa, kadib amar ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kamaaludiin oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay u yimaadeen mas’uuliyiin ay saaxibo yihiin, isla-markaana u siday amar dowladeed oo lagu xirayo xaruntiisa, illaa...

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ‘isku soo dhiibay’ ciidamada dowladda

Cali Ibraahim oo muddo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa caafimaadka gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada Gorgor ee ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug. Sarkaalkan oo ka yimid dhinaca degmada Ceelbuur ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo dhoweeyey deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ciidamada Gorgor ayaa weli gacanta ku haya sarkaalkan, mana cadda in loo soo gudbin doono dhinaca magaalada...

Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladaha cudurka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 97 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 6 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 97 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (40), Puntland (23), gobalka Banaadir (20), Jubbaland (11) iyo...

Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lag helayaa dil xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo loo geystay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, kuwaas oo toogasho ku khaarijiyey labo askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale labada askari ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmedey Gadaf iyo Sakariye Cali...

Ciidamadii ugu dambeeyey ee dalka Mareykanka oo ka baxay Afghanistan

Ku dhawaad 20 sano kadib markii Mareykanku ciidamo u diray Afghanistan si ay uga dabatagaan argagixisadii qorsheysay weerarradii 11-kii Sebtember 2001, ciidamada Mareykanka ayaa ugu dambeyntii isaga soo baxay dalkaas. Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dhammaadka howlgalka Mareykanka ee Afghanistan intii lagu gudajiray shir jaraa'id Isniintii kaas oo ka dhacay Pentagon, isagoo u sheegay wariyeyaasha in diyaaraddii...

Rooble oo amar ku bixiyey in la hakiyo kiraynta xarunta Tiyaatarka Qaranka

War Saxaafadeed Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho. War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan: “Aniga oo fulinaya amarka...

Maxay ka wada-hadleen R/wasaaraha Soomaaliya iyo musharixiinta?

Ra’iisul Wasaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin:- Dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda Rooble ayaa sidoo kale Midowga Murasharaxiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha...

WARAR KALE

Safiirka Soomaaliya Ee Pakistan Oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Afrika 2026

ISLAMABAD – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Afrika...

Soomaaliya Oo Saxiixday Baaqa Wadajirka ah Ee Afrika Ee Horumarinta Sayniska Badaha

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa ka qaybgalay shir doceed lagu qabtay intii...

African Union chief welcomes US-Iran peace deal, praises diplomacy

ADDIS ABABA, June 18 – African Union Commission Chairperson Mahmoud Ali Youssouf on Thursday welcomed a peace agreement reached between the United States and...