US Reaffirms Recognition of Somalia’s Territorial Integrity, Including Somaliland
WASHINGTON — The administration of U.S. President Donald Trump has informed Congress that the United States continues to recognize the sovereignty, unity and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, explicitly affirming that Somaliland remains part of Somalia's internationally recognized borders.
In a report submitted to Congress, the U.S. State Department said Washington would maintain its longstanding support for...
Maamulka Trump: Iskaashiga Somaliland ma dhaawacayo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
WASHINGTON — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa u sheegay Kongareeska in dowladda Mareykanka ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxuuna si cad u qeexay in Somaliland ay tahay gobol ka tirsan xuduudaha caalamku u aqoonsan yahay dalka Soomaaliya.
Warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u gudbisay Kongareeska ayaa lagu sheegay in Washington...
Wafdi Ka Socday Dowladda Sweden iyo Hay’addo oo soo garaay magaalada Muqdisho
Muqdisho - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida), kuwaas oo ay hoggaaminaysay Annika Jayawardena, Ku-xigeenka Madaxa Qeybta Bariga iyo Geeska Afrika ee Xarunta Hay’adda Sida. Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ahaa Madaxa Iskaashiga Soomaaliya...
Soomaaliya iyo Eswatini oo Ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Dal
Seoul – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Boqortooyada Eswatini Mudane Dr.Thambo Gina, intii uu socday Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Seoul.
Wadahadallada labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka...
Shariif Sheekh Axmed oo sheegay Banaanbaxu inuu yahay Xaq Dastuuri ah
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in banaanbaxa ay mucaaradku ku baaqeen inuu yahay xuquuq uu dammaanad qaaday dastuurka dalka.
Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, laguna adkeynayay qabsoomidda banaanbaxa la qorsheeyay 4-ta Juun, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan isu soo baxa lagu wado inuu...
Kheyre oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka Qaybgalka Banaanbaxa 4-ta Juun
Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Ali Khayre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan banaanbaxa la qorsheeyay inuu dhaco 4-ta Juun.
Kheyre oo ka hadlay kulan ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay in shacabka aysan ka niyad jabin ama ka baqan tallaabooyinka ay dowladda qaadayso, sida uu hadalka u dhigay, gaar ahaan kuwa la...
Mucaaradka oo Ku Adkeysanaya Banaanbaxa 4-ta Juun iyo Dowladda oo Wajahaysa Baaqyo Caalami ah
Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa xalay u guuray aqal ku yaalla Isgoyska Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo wararku sheegayaan inuu ka sii wadi doono abaabulka banaanbaxa mucaaradku qorsheeyeen inuu ka dhaco 4-ta Juun.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal uu xalay jeediyey ku dhaliilay dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in...
Xiisad Ka Xoogan Taagan Xarunta Canshuurta ee Degmada Afgooye
Afgooye, Soomaaliya – Waxaa laga soo waramayaa xiisad culus ka taagan xarunta canshuuraha iyo saldhigga booliiska ee degmada Afgooye, kadib muran la xiriira nidaamka ururinta canshuuraha.
Ciidanka Daraawiishta Koonfur-Galbeed ay hareereeyeen xarunta degmada iyo saldhigga booliiska, iyagoo maalintii labaad ka hor taagan in la qaado canshuurta ka soo xaroota mootooyinka ka shaqeeya gudaha degmada.
Wasaaradda Maaliyadda ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa soo...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Seoul Kula Kulmay Dhiggiisa Masar
Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Seoul kula kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, xilli ay labaduba ka qeyb galayaan Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatijiyadeed ee...
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee Ka Furmay Seoul
Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo...












