Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Fahad Yaasiin oo u jawaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Email toos ah u diray Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha, isagoona kaga hadlay sida uu doonayo in isaga difaaco kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hadal heyn xoogan abuuray. Fahad Yaasiin ayaa fariinta uu u diray Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku dalbaday in warbixinta kiiska Ikraan Tahliil uu ka jeedin doono shirka...

Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya oo kulan la qaatay qoyska Ikraan Tahliil Faarax

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda. Rooble ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi...

Guddiga xallinta khilaafaadka oo doortay guddoomiye cusub

Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub ka dib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod. Doorashadan ayaa timid, ka dib markii guddoomiyihii hore ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi...

Cabdi Xaashi yo Mahdi Guuleed oo heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guleed ayaa maanta heshiis ka gaaray khilaafkii muddada ka taagnaa maamulka doorashada ee kuraasta labada ee gobollada waqooyi ama Somaliland. Labada garab ayaa ku heshiiyey illaa afar qodob, iyada oo guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Sidoo kale labada...

HirShabelle oo faah faahin ka bixisay weerarkii xalay ka dhacay Jowhar

Wasaaradda amniga HirShabelle ayaa warsaxafadeed kasoo saartay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee maamulkaasi. Qoraal kasoo baxaya wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ka hortageen ciidamada ammaanka, kuna baxeen goobaha laga soo tuuray madaafiicda. Sidoo kale wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa shaacisay in wax khasaare ah uusan geysan...

Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb-galeyso dalka Masar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar. Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , oo lagu wado inuu daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly waxaa diiradda lagu saari doonaa...

Guddiga doorashada HirShabelle oo dalab xasaasi ah u diray Guudlaawe

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray qoraal uu madaxweyne Cali Guudlaawe uga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle. Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo tixraacaya heshiisyadii laga gaaray doorashada iyo ilaalinta waqtiga jadwalka loo dejiyey in doorashadu ku dhacdo ay madaxweynaha HirShabeelle ka codsanayaan inuu u...

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo soo saaray jadwal cusub

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka. Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September. Sidoo kale 25-ka bishaan...

Cali Guudlaawe oo Jowhar ku qaabilay madaxdii ka tegtay Beledweyne

Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Beledweyne, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan. Wafdiga ka yimid Beledweyne...

Ra’iisul wasaare Rooble oo 48 saac u qabtay agaasimaha hay’adda NISA

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo NISA ay shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab. Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, loona baahanyahay caddeymo dheeraad ah. Sidoo kale waxa uu  faray agaasimaha guud ee NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo...

WARAR KALE

Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Arrimaha maamulka Somaliland

MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin tirakoobyo wadata oo ku saabsan...

Madaxweyne Al-Sisi Oo Trump Uga Mahadceliyay Taageerada Masar Ee Arrinta Biyo-Xireenka Itoobiya

PARIS – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump mowqifka uu ka qaatay muranka la xiriira Biyo-xireenka Weyn ee...

Midowga Afrika Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Nabadeed Ee Maraykanka Iyo Iran

ADDIS ABABA – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay wada gaareen Mareykanka iyo Jamhuuriyadda...